Fadhigii 27-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 27-aad waxa ka mid ahaa:
𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed
(Magaalo), isaga oo ka xog warramay shaqaaqooyinkii ka dhacay Degmada Dhahar iyo xaaladihii ugu dambeeyey. Sida oo kale Wasiiru-Dawluhu waxa kale oo uu Golaha Wasiirrada u sheegay in marka laga tago falalka dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca bulshada iyo Shilalka Gaadiidka, in amniga iyo xasilloonida dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama iska hor imaad ah.
𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚:
Wasiirka iyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan (oo hor-jooge ka ah Guddida Dhaqaalaha Qaranka) iyo Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa wadajir Golaha Wasiirrada warbixin qoto dheer ka siiyey Qorshaha, Talaaboyinka iyo Istaraatiijiyadaha loo baahan yahay in mustaqbalka dhaw la qaado si kor loogu qaadayo koboca Dhaqaalaha Dalka. Labada Mas'uul ee ugu sarreeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxa kale oo ay ka war bixiyeen qaabka loo dardar gelin karo wax-soo-saarka-gudaha, iyada oo diiradda la saarayo horumarinta maalgashiga, taakuleynta warshadaha dalka, kor u qaadista dakhliga, dib u habeynta Siyaasadaha iyo Xeerarka si kor loogu qaado wax soo saarka dalka gudihiisa (sida Milixda, Kalluunka, Dalagga Beeraha, Sibidhka, Caanaha, iwm).
𝟑) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚:
Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi. Wasiirku waxa uu ka xog warramay khataraha caafimaadka bulshada ee ka iman kara Farmasiyada iyo Xarumaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay. Wasiirku waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Xarumaha iyo Farmasiyada lagu sameeyo
kormeer iyo daba-gal joogto ah, sidoo kalena la adkeeyo shuruuradaha bixinta ruqsadaha ganacsiga caafimaadka (commercial license) si bulshada looga bedbaadiyo khataraha caafimaad ee kaga iman kara dad aan aqoon iyo khibrad u lahayd adeegyada caafimaadka iyo daawada.
𝟒) 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋:
Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay Siyaasadda Waxbarashada Qaranka JSL oo in muddo ah hor taallay Golaha. Golaha Wasiirradu waxa ay si adag uga doodeen isla markaana ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo kor u qaadista tayada Waxbarashada dalka iyo hirgelinta nidaam waxbarasho oo casriga ah oo la jaan-qaadi kara xilliga lagu jiro.
Doodda waxa soo xidhay Wasiirka Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf, isaga oo sheegay in ay ka Wasaarad ahaan ka go’an tahay dejinta iyo hirgelinta Siyaasad Waxbarasho iyo Manhaj casri ah oo la jaan qaadaya Halbeegyada Caalamiga ah ee hadda jira iyo ka rumaynta himilooyinka horumarinta Qaranka JSL.
Intaa kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa cod geliyey Siyaasadda Waxbarashada, kadibna Golaha Wasiirradu waxa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Siyaasadda Waxbarashada ee Qaranka JSL, iyada oo aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay.
No comments:
Post a Comment