Garyaqaan Muuse Yuusuf
Somaliland
Wednesday, 23 July 2025
Fadhigii 27-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland
Fadhigii 28-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland
Thursday, 24 April 2025
Fadhigii 13-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland
Hargeysa, 19.03.2025
Fadhigii 13-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa:
* Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay.
โข Hab-sami u socodka iyo kobcinta Dakhliga Maaliyadda iyo Ururinta Cashuuraha iibka Adeegyada iyo Badeecadaha (GST); waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in ay hawluhu meel fiican marayaan.
* Warbixin la xidhiidha Kormeerka Xabsiyada Dalka iyo Furitaanka Xabsiga Mija-Caseeye: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka warramay xaaladaha nololeed ee maxaabiista ku xukuman iyo arrimaha u baahan in la hagaajiyo sida hoyga, caafimaadka iyo waxbarashada maxaabiista ku jira 14-ka Xabsi ee dalka.
* Warbixin la xidhiidha Xaaladda Dhoofka Xoolaha: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga.
* Warbixin qoto dheer oo la xidhiidha hawlaha ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada ay Qaranka uga masuulka tahay, waxana Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada. Sidoo kale Wasiirku waxa uu si guud uga warbixiyey mashaariicda ka socda iyo kaalmooyinka Maaliyadeed ee ay hesho iyo heerarka ay marayaan. Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay ku hawlan tahay ururinta, kaydinta iyo ilaalinta xogaha Qaranka (National Data Centre).
* Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa sharraxay Himilada iyo Hiigsiga Wasaaradda taasi oo ku qotonta: Somaliland ku xidhan Dunida, Dhaqaale ahaan Kobcaysa, leh kaabayaal Madaaro iyo Adeegyo Duulimaad oo ku sifaysan Bad-qab, Amni iyo Hufnaan. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha warbixin ka siiyay waxqabadka 100-ka cisho ee Wasaaradda Duulista Hawada, sidoo kalena Golaha u soo gudbiyey Hab-raaca Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu si qoto dheer u faahfaahiyey Tiirarka 5-ta ee Istaraatijiyadda 5-ta sano ee soo socda hagi doonta Wasaaradda.
* Hab-raaca ururinta 100-ka maalmood ee wax-qabadka Xukuumadda iyo isku-dubbaridka iyo qaaabaynta xogaha hawl-gallada ay Wasaaraduhu kaga qayb galayaan 100-ka maalmood ee ballanqaadyada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
โข Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay Qorshaha Istaraatijiyadda ee 5-ta sano ee soo socda ay ku hawl geli doonto Wasaaraddu. Sida oo kale Wasiirku waxa uu ku taliyey in si dhaw loola socda Mashaariicda ay Hay'adaha caalamiga ah iyo NGO-yadu ka fuliyaan degmo Doorashooyinka balse aan soo marin Wasaaradda.
* Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Degmada Ceerigaabo iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Shirka Nabadaynta Ceel-Afweyn oo maanta ka furmay Ceel-Afweyn.
Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL isaga oo ku ammaanay hawlaha nabadaynta ee ay Ceerigaabo ka wadaan, hawlahaasi oo ku dhaw gabagabo, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftigiisuna waxay ay hawlaha Qaramaynta ka sii wadi doonaaan meelaha kale ee Qaranka u qorshaysan.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Fadhigii 12-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Hargeysa, 12.03.2025
Fadhigii 12-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa:
* Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isagoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay.
* War bixin guud oo la xidhiidha xaaladaha guud ee caafimaadka dalka, culays-yada ka jira gobollada Bariga iyo arrimaha u baahan in ded-deg ah wax looga qabto, safar uu Wasiirku ku tagay Sabo-wanaag, waxana si mug leh uga war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
* War bixin faah-faahsan oo la xidhiidha Qiimaynta Dugsiyada Farsamada dalka, dejinta Manhajka Iskuullada Farsamada Gacanta, tiradooda iyo tayadooda iyo Xarumaha kale ee Farsamada Gacanta; waxana si qoto dheer uga warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska.
* War bixin faah-faahsan oo khusaysa baahiyaha xagga biyaha ee Gobollada Bariga, mashaariicda biyaha ee ay Wasaaraddu dhammaystirtay, kuwa ay wado iyo kuwo cusub oo la dhagax dhigay (Ceerigaabo), safarrada kale ee ay Wasaaraddu ku tagi doonto Gobollada Galbeedka, waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Biyaha.
* Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa Golaha warbixin ka siisay Qorshaha Hirgelinta Hawlaha Hor-tabinta leh ee 100-ka maalmood ee ugu horeeya, iyada oo sheegtay in ka Wasaarad ahaan ay dejiyeen khariidad Istiraatijiyadeed oo lagu xoojinayo Qorshaha Horumarinta Somaliland, qaab-dhismeedka Siyaasadeed iyo awoodaynta Hayโadaha Qaranka.
* Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa warbixin ka siiyay Golaha qorshayaasha Wasaaradda ee lagu fududaynayo Diyaaradaha Caalamiga ah ee imanaya Somaliland, iyo shuruucda socdaalka ee la waafajinayo Rakaabka la socda diyaaradahaasi. Dhammaan diyaaradaha caalamiga ah ee imanaya Madaaradda dalka waxa lala wadaagay shuruucda socdaalka JSL ee looga baahan yahay Rakaabka Ajanabiga ah.
* Isku-dubbaridka iyo qaaabaynta (akhris, maqal iyo muuqaal) xogaha hawl-gallada ay Wasaaraduhu kaga qayb galayaan 100-ka maalmood ee ballanqaadyada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
* Hab-sami u socodka iyo kobcinta Dakhliga Maaliyadda iyo Ururinta Cashuuraha iibka Adeegyada iyo Badeecadaha (GST); waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in ay hawluhu meel fiican marayaan.
* Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Degmada Ceerigaabo iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah kuwaasi oo meel wacan maraya.
Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL isaga oo ku ammaanay hawlaha nabadaynta ee ay Ceerigaabo ka wadaan, hawlahaasi oo ku dhaw gabagabo, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftigiisuna waxay ay hawlaha Qaramaynta ka sii wadi doonaaan meelaha kale ee Qaranka u qorshaysan.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Fadhigii 11-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Fadhigii 11-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, ajendaha maanta waxa ka mid ahaa arrimaha soo socda:
* War bixin la xidhiidha Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegay in guud ahaannba amniga dalku uu sugan yahay.
* War bixin guud oo la xidhiidha muuqaalka Maaliyadeed ee dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in dar-dar gelinta ururinta ashuuraha GST iyo Cashuuraha Berriga ay si fiican u socdaan.
* War bixin faah-faahsan oo la xidhiidha xaaladaha guud ee caafimaadka dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
* War bixin dheer oo la xidhiidha xaaladaha Barakacayaasha iyo gargaarka bini'aadanninimo, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini'aadannimada JSL.
* War bixin la xidhiidha xaaladihii ugu dambeeyey ee dhoofka xoolaha, u diyaargarowga iyo gurmadka abaaraha, xal u helidda Iskuulka Xannaanada Xoolaha Sheekh oo weli xidhan: waxa ka war bixiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha.
* Hab-raaca ururinta iyo Isku-dubbaridka xogaha hawl-gallada Wasaaradaha 100-ka maalmood ee wax-qabadka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyey Wasiirrada Warfaafinta iyo Madaxtooyada.
* Soo ban-dhigidda Siyaasadda Beeraha iyo Siyaasadda Abuurka Beeraha iyo war-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii heer Qaran ee Beeralayda Somaliland: waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
* Ansixinta talo soo jeedinta Guddidii loo xil saaray maaraynta Shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah: Golaha Wasiirrada ayaa talo soo jeedinta ku ansixiyey cod aqlabadiyad ah.
* Qaybinta Siyaasadda Baadhista Macdanta Qaranka (Akhriska 1-aad): waxana Golaha si guud ugaga xog warramay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta JSL.
* Qaybinta Xeerka Kaalmo-Sharci (Akhriska 1-aad): waxana Golaha si guud ugaga xog warramay Wasiirka Caddaalada JSL.
* Hab-sami u socodka hawlaha Diwaangelinta Ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
* Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Degmada Ceerigaabo iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah kuwaasi oo meel wacan maraya. Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL isaga oo ku ammaanay hawlaha nabadaynta ee ay Ceerigaabo ka wadaan.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Fadhigii 16aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoomay maanta 16ka Abriil, 2025 waxa uu si adag u cambaareynayaa tallaabadii daandaansiga ahayd ee uu Raysal-wasaaraha Dowladda Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood 12kii Abriil 2025, taasi oo ahayd xad-gudub ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ka duulaysa qorshaheeda nabadeynta Deegaanka Bariga Sool, waxa ay hore u iclaamisay baaq nabadeed maalintii uu xilka la wareegayay Madaxweynaha JSL ee 12kii December 2024, waxa aanay mar kale adkaynaysaa in ay nabaddu tahay mudnaanteeda koowaad, iyada oo difaaca qarannimada Somaliland-na ay tahay xuduud lama taabtaan ah.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐ โ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐ฌ๐ข ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐๐ ๐ฎ๐ ๐ ๐ฅ๐๐๐ฑ๐๐ญ๐๐ฒ ๐ฃ๐ข๐๐ค๐ข๐ข ๐ง๐๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐๐๐-๐ก๐๐๐๐ฅ๐ค๐:
Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Tallaabadaasi waxa ay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah khatar u gelinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyada oo lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland oo si sharci-darro ah loo afduubay.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐ โ ๐๐ง ๐๐๐ง๐๐ฒ ๐ฃ๐ข๐ซ๐ข๐ง ๐ฐ๐๐ฑ ๐ฐ๐๐๐-๐ก๐๐๐๐ฅ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐ฌ๐ข๐ข-๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐:
Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha la xidhiidha siideynta maxaabiista.
Maxaabiista Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay magaalada Muqdisho ma aha maxaabiis dagaal (๐ฉ๐ซ๐ข๐ฌ๐จ๐ง๐๐ซ๐ฌ ๐จ๐ ๐ฐ๐๐ซ)
Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadaasi inay ahayd mid lagu qarinayo fashilka siyaasiga ah ee haysta Dowladda Soomaaliya.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐ โ ๐๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐ฌ-๐๐ก๐๐๐๐ข๐ฌ๐ ๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay wada hadallo la yeelatay Hayโadda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo danjireyaasha dalalka saaxiibka la ah si loo xalliyo arrinta maxaabiista, iyada oo ku saleysan xeerarka iyo hab-raacyada caalamiga ah ee maxaabiista.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay in maxaabiista la isu waydaarsado hannaan kasta oo waafaqsan nidaamka isweydaarsiga maxaabiista, bud-dhigna ay u tahay hayโadda ICRC, iyada oo ay Xukuumadda Somaliland hore ugala hadashay arrimaha maxaabiista wadamada ay saaxiibka yihiin sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Finland, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐ โ ๐๐๐๐ช๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐๐ฃ๐๐ก๐๐ง ๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ค๐:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cod dheer ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay si degdeg ah uga falceliso xadgudubyada ay Dowladda Soomaaliya ka geysanayso Deegaanka Bariga Sool ee Somaliland, isla markaana ay taageerto dadaallada Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto soo celinta nabada deegaanka bariga Sool.
Duullaanka qorshaysan ee Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland waxa uu khatar gelinayaa xasilloonida Geeska Afrika, wuxuuna fursad siinayaa kooxaha xagjirka ah iyo argagixisada, taas oo halis weyn ku ah nabadda iyo horumarka gobolka oo dhan.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐: ๐๐๐๐-๐ก๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ข๐ข ๐ฎ ๐๐ก๐๐ฑ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐:
Maadaama ay Dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadiโdii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal, Golaha Wasiirradu ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay goโaamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16th, 2025.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka goโan difaaca Qaranimadeeda iyo adkaynta madax-bannaanideeda, si aan gorgortan lahayn.
๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐
Fadhigii 9-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland
Fadhigii 9-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Ajandaha Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa ka koobnaa arrimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka.
Ugu horeyn Goluhu waxaa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo sheegay in xaaladda guud ee Amni ee dalkeenu ay tahay mid degan oo nabad ah, marka laga reebo danbiyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada iyo Shilalka gaadiidka oo gaysta dhimashada iyo dhaawaca ugu badan.
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-waramey xaaladda dhaqaale ee dalka, dardar galinta cashuur ururinta iyo kobcinta dakhliga dalka.
Wasiiru Dawluhu isaga oo ka hadlaya sida uu u fulay qorshaha midaynta dakhliga Qaranka ee uu Madaxweynuhu dhawaan faray Hayโadaha iyo Wasaaradaha Qaranka ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in arrintaasi u socoto si wacan.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Golaha siiyey warbixin qoto dheer oo khusaysa xaaladaha adeega Caafimaadka ee Gobollada Bari (Sanaag, Saraar iyo Togdheer), gobolladaasi oo uu Wasiirku ugu baxay safar shaqo, laga bilaabo 29.01.2025 ilaa 5.02.2025-ka.
Ujeedada ugu weyn ee safar hawleedka Wasiirku waxay ahayd in uu si dhab ah ugu kuur galo Baahiyaha Xarumaha Caafimaadka ee Gobollada Bariga, xag daawo, xag gaadiid iyo xagga cududda shaqaalaha. Wasiirka iyo weftigii uu hoggaaminayey waxay soo kormeereen Cisbitaalada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Gar-adag, Ceel-Afweyn, Ceerigaabo, Oog, Caynabo, Burco, Oodweyne iyo Hara-sheekh.
Wasiirka Caafimaadka ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in Xarumaha Caafimaadka ee Gobollada Bariga ay culays weyn ku soo kordhiyeen xaaladaha colaadeed, loona baahan yahay in si guud loo xoojiyo, gaar ahaan in la geeyo Dhakhtarro Takhasus u leh qalliinka iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah (Trauma and Emergency Situations).
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka ayaa Golaha Wasiirrada u soo gudbiyey laba Mashruuc Sharci oo kala ah ๐) Xeerka Astaanta Qaranka, ๐ฎ) iyo Xeerka Calanka JSL.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xeerarkani ay ilaalinayaan isla markaana ay sugi doonaan Karaamada iyo Qiimahaha Astaamaha Qaranka JSL.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xeerarkani ay ku salaysan yihiin dhawrista, Ilaalinta iyo kor-u-qaadidda Astaamaha Qaranka, iyagoo la jaanqaadaya Qawaaniinta iyo Xeerarka Caalamiga ah ee uu dal waliba u dejiyo Astaamihiisa Qaran.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐.