Thursday, 31 October 2013

DASTUURKA XISBIGA KULMIYE Qoraastii iyo Habaynta Garyaqaan Muuse Yuusuf



DASTUURKA XISBIGA KULMIYE

Qoraastii iyo Habaynta Garyaqaan Muuse Yuusuf





QAYBTA KOOWAAD
TILMAAMAHA IYO XUBINIMADA XISBIGA


QODOBKA 1AAD
MAGACA IYO SIFAHA XISBIGA

1. Magaca Xisbigu waa “KULMIYE”

2. Kulmiye waa xisbi u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somaliland.

QODOBKA 2AAD
ASTAANTA XISBIGA

Astaanta xisbigu waxay ka kooban tahay laba gacmood oo isa salaamaya, oo midina xidhan tahay shuudh cad, midina xidhan tahay shuudh madow, oo ay dusha kaga qoran tahay “KULMIYE” oo ay dusha kaga wareegsan tahay goob qaab ukumeed leh oo khad madow ku qoran.

QODOBKA 3AAD
CALANKA XISBIGA

Calanka xisbiga Kulmiye waa afar gees u qeybsan laba saddex xagal oo midabka ka sare doogo yahay, ka hoosena huruud yahay.

QODOBKA 4AAD
XARUNTA DHEXE EE XISBIGA

1. Xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE waa magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa
2. Xisbiga KULMIYE waxa uu xarumo ku yeelanayaa magaalo madaxyada gobolada, waxa kale oo uu laamo ku yeelanayaa degmooyinka dalka
3. Xisbigu waxa uu laamo ku yeelan karaa dalka dibediisa.

QODOBKA 5AAD
UJEEDOOYINKA XISBIGA

Ujeedooyinka xisbiga waxa saldhig u ah barnaamijka xisbiga oo ay ka mid yihiin:
1. Xoojinta, barashada iyo ku dhaqanka diinta islaamka
2. Hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka dimoqraadiyada ee ku dhisan xoriyaadka iyo xuquuqda asaasiga ee qofka iyo muwaadinka
3. Hirgelinta iyo ku dhaqanka dasturka JSL, shuruucda dalka, heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa gobolada ee Somaliland dhinac ka tahay amase saaraysaa waajibaad dawli ah
4. Ictiraaf u raadinta jamhuuriyadda Somaliland
5. Adkaynta nabada iyo wadajirka bulshada iyo isku xidhka gobolada dalka oo dhan
6. Difaaca jiritaanka iyo madaxbanaanida jamhuuriyadda Somaliland
7. Hirgelinta sinaan iyo cadaalad buuxda, ee mujtamaca dhexdiisa iyo garsoorka hortiisa
8. Higelinta dhaqankeena suuban iyo la dagaalanka dhaqamada xun xun
9. Kor-u-qaadida dhaqaalaha dalka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka ku jira, iyadoo la dhiirigelinayo maalgelinta gaarka ah iyo suuqa xorta ah
10. Kor-u-qaadista arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, garsoorka, fanka iyo isboortiga iwm
11. Xoojinta xidhiidhka dalalka aynu deriska nahay iyo ururada dawliga ah ee aynu xubinta ka nahay, ama aynu higsanayno in aynu xubin ka noqono.

QODOBKA 6AAD
DABEECADDA XISBIGA

1. Xisbigu waa xisbi siyaasi ah
2. Xisbigu waa xisbi dimoqraadi ah oo aaminsan afkaarta iyo mabaad’iida ku salaysan dimoqraadiyada ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka.

QODOBKA 7AAD
LUUQADDA XISBIGA

1. Fadhiyada iyo maamulka xisbiga, waxa xisbigu adeegsanayaa luuqada af-Soomaaliga
2. Waxa la adeegsan karaa luuqadaha afka shisheeye markii loo baahdo.

QODOBKA 8AAD
DHAQAALAHA XISBIGA

1. Xisbiga waxaa dhaqaale u ah:
a. Gaadhaanka joogtada ah ee bil kasta laga qaado xubnaha xisbiga
b. Kharashka diiwaangelinta xubinimada xisbiga
c. Taageerada dhaqaale ee xubnaha xisbiga ee dibedda
d. Deeq ay bixiyaan shaqsiyaad; ururo; hay’ado; shirkado amakaalmo dhaqaale oo xukuumadda Somaliland si siman u siiso axsaabta
c. Wax-soo-saarka kasta ee xisbigu la yimaado
2. Dhaqaalaha ama hantida ku soo xerootay sifahaas xubinta hore tilmaantay, waa hantida xisbiga mana noqon karto hanti gaar ahaaneed.

QODOBKA 9AAD
XUBINIMADDA XISBIGA

1. Waxa xubin ka noqon kara xisbiga qof kasta oo muwaadin Somaliland ah oo dalka gudihiisa ama dibediisa ku nool ee buuxiya shuruudaha soo socda:
a. Waa inuu qaangaadh yahay, si waafaqsan shuruudaha doorashooyinka
b. Waa inuu aaminsan yahay xeerka iyo barnaamijka Xisbiga.

QODOBKA 10AAD
AQBALAADA XUBINIMADA XISBIGA

1. Qof kasta oo buuxiya shuruudaha Qodobka sagaalaad, waxa xubinimadiisa ansixinaya guddiga laanta xisbiga, waxaana la siinayaa aqoonsi leh astaantii xisbiga.

QODOBKA 11AAD
XUQUUQDA XUBINTA


Xubin kasta waxay xaq u leedahay:
1. Ka qeybgalka kulamada ama shirarka laamaha xisbiga ee dalka guduhiisa ama dibediisa ee uu ka tirsan yahay
2. Inuu wax doorto ama la doorto, waxa loo magacaabi karaa derejo kasta iyo guddi kasta oo xisbiga ah
3. Wuxuu ergo ahaan uga qeybgeli karaa shirweyne qaran, hadii laanta uu ka tirsan yahay u soo egmato xilkaas
4. wuxuu talooyin u soo jeedin karaa laamaha xisbiga ee dalka gudihiisa ama dibediisa ama golayaashiisa
5. Wuxuu xaq u leeyahay in lagu wargeliyo siyaasada iyo waxqabadka xisbiga
6. Xubin loo doortay golayaasha xisbiga ama gudiyadiisa, loogama saari karo sife ka duwan mid dastuurku jideeyey.

QODOBKA 12AAD
WAAJIBAADKA XUBINTA

Waxa saran xubin kasta oo xisbiga ka tirsan waajibaadka soo socda:
1. Waa inuu dhowraa barnaamijka iyo dastuurka xisbiga
2. Waa inuu si firfircoon uga qeybqaataa siyaasada xisbiga ee laanta uu ka tirsan yahay iyo hawlaha guud ee xisbiga
3. Waa inuu taageeraa go’aamada goloyaasha iyo gudiyadda xisbiga
4. Waa inuu ka dheeraado qabyaalada iyo wax kasta oo kala fogeeya ummadda
5. Waa inuu dhowraa nidaamka kala danbeynta ee hogaanka xisbiga
6. Waa inuu dhowraa sharafta iyo karaamadda xisbiga
7. Waa inuu bixiyaa qaadhaanka xisbiga.

QODOBKA 13AAD
TAAGEERAYAASHA XISBIGA

1. Xisbigu wuxuu lahaanayaa taageerayaal, kuwaasoo loola jeedo qof kasta oo aan xubin ka ahayn xisbiga, hase yeeshee taageersan barnaamijka iyo afkaarta xisbiga.

QEYBTA LABAAD
QAAB-DHISMEEDKA XISBIGA

QODOBKA 14AAD
QAAB-DHISMEEDKA XISBIGA

1. Qaab-dhismeedka xisbigu wuxuu ka kooban yahay:

1.1. Shirweynaha xisbiga ee heer qaran; oo uu hoos yimaado:
a. Golaha dhexe ee xisbiga, iyo
b. Guddigiisa fulinta-golaha dhexe

1.2. Shirka xisbiga ee heer gobol oo uu hoos yimaado:

a. Guddiga xisbiga ee gobolka iyo
b. Gudidiisa fulintu

1.3. Shirka xisbiga ee heer degmo oo uu hoos yimaado:
a. Guddiga xisbiga ee degmada iyo
b. Gudigiisa fulintu

1.4. Shirka laanta ee xisbiga; oo uu hoos yimaado:

a. Guddiga xisbiga ee laanta iyo
b. Guddiga fulinta

2. Kala horeynta hay’adaha ee kor ku tilmaamani wuxuu muujinayaa kala sareyntooda awoodaha ee xisbiga.


QODOBKA 15AAD
DHISMAHA XISBIGA EE HEER QARAN

1. Shirweynaha heer qaran ee xisbigu waa hay’ada ugu sareysa ee xisbiga, waxaana ku kulma ergooyinka ka socda gobolada dalka iyo dibediisa
2. Shirweynaha waxa la qabanayaa shantii sannadoodba hal mar
3. Shirweynaha waxa qabanqaabinaya guddiga fulinta ee golaha dhexe
4. Tirada ergooyinka shirweynaha xisbiga waxa go’aaminaya golaha dhexe,oo ay ku jiraan:
a. Tirada xubnaha golaha dhexe ee xisbiga
b. Xubno ay soo xushaan garabka haweenka iyo garab dhalinyarada ee xisbiga heer qaran
c. Dhamaan xubnaha xisbiga ee ku jira golayaasha qaranka
d. Ergooyinka ka socda laamaha xisbiga
5. Marka laga reebo xubnaha golaha dhexe tirada ergooyinka shirweynaha xisbigu waa inaysan ka yaraan tirada xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

QODOBKA 16AAD
FADHIGA UGU HOREEYA EE SHIRWEYNAHA XISBIGA

1. Fadhiga ugu horeeya ee shirweynaha waxa lagu dooranayaa shirgudoonka shirweynaha oo ka kooban gudoomiyaha shirweynaha, gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo ka labaad iyo xoghaynta shirweynaha.

QODOBKA 17AAD
AWOODAHA SHIRWEYNAHA

Shirweynaha xisbigu wuxuu leeyahay awoodaha soo socda:
1. Ansaxinta iyo wax-ka-bedelka dastuurka xisbiga
2. Ansaxinta iyo wax-ka-bedelka barnaamijka xisbiga
3. Doorashada hogaanka xisbiga oo ka kooban:
gudoomiyaha iyo gudoomiye-ku xigeenada koowaad iyo labaad ee xisbiga
4. Doorashada xubnaha golaha dhexe ee xisbiga
5. Go’aaminta siyaasada iyo qorshayaasha guud ee xisbiga
6. Wax-ka-bedelka ama baabi’inta go’aanada iyo xeerarka golaha dhexe.

QODOBKA 18AAD
QAABKA DOORASHADA GUDOOMIYAHA AMA GUDOOMIYE XIGEENADA XISBIGA

1. Doorashada gudoomiyaha ama gudoomiye-ku-xigeenada xisbiga waxa shirweynuhu ku ansixinayaa musharaxa hela aqlabiyad buuxda (kala badh in ka badan tirada guud ee ergooyinka)
2. Hadii musharixiinta midkoodna heli waayo aqlabiyada ku xusan xubinta hore ee qodobkan, wareega labaad waxa musharixiin u ah labada musharax ee ugu codka badan wareega koowaad
3. Wareega labaad waxuu shirweynuhu ku ansixinayaa musharaxa ugu aqlabiyadda badan tirada ergooyinka.

QODOBKA 19AAD
AWOODAHA GUDOOMIYAHA XISBIGA

1.
Gudoomiyaha xisbigu waa madaxa iyo hogaanka guud ee xisbiga, wuxuuna xisbiga ku leeyahay awoodaha soo socda:
a. Waa gudoomiyaha golaha dhexe iyo guddiga fulinta
b. Isagoo ka tilmaan qaadanaya go’aanada shirweynaha; kuwa golaha dhexe iyo go’aanada guddiga fulinta wuxuu jiheeyaa dhamaan hawlaha xisbiga iyo siyaasada guud ee xisbiga
c. Wuxuu masuul ka yahay hantida xisbiga; wuxuu dalban karaa hantidhowre mar kastoo loo baahdo; ka dib markay sidaas go’aamiyaan guddiga fulintu
d. Wuxuu awood u leeyahay magacaabidda iyo xil ka qaadista shaqaalaha xarunta dhexe
e. Wuxuu magaca xisbiga u metelayaa heshiisyada xisbigu la gelayo Dhinacyo kale
f. Wuxuu leeyahay dhamaan awoodaha kale ee uu siinayo dastuurkan; xeerarka iyo xeer- hoosaadyada golaha dhexe.

QODOBKA 20AAD
XILKA GUDOOMIYE-KU-XIGEENADA XISBIGA

1. Gudoomiye-ku-xigeenada xisbigu waxay ka kaalinayaan gudoomiyaha hawlaha xisbiga
2. Waxay fulinayaan wixii hawlo ah ee gudoomiyahu u igmado
3. Hadii uu gudoomiyahu dalka ka maqan yahay, waxa si ku meel-gaadh ah kaalinta gudoomiye u buuxinaaya gudoomiye-ku-xigeenka 1aad
4. Hadii ay gudoomiyaha iyo ku xigeenka 1aad maqan yihiin waxa kaalintooda si ku meel gaadh ah u sii buuxinaaya gudoomiye ku xigeenka 2aad.

QODOBKA 21AAD
BANAANAANTA JAGADA GUDOOMIYE AMA GUDOOMIYE XIGEENADA XISBIGA

1. Inta u dhaxeysa labada shirweyne hadii ay la soo deristo gudoomiyaha xisbiga xaaladaha soo socda:

a. Uu caafimaad daro awgeed hawshiisa u gudan waayo
b. Uu is-casilo oo ay golaha dhexe kaga aqbalaan aqlabiyad buuxda
c. Uu geeriyoodo
d. Ama xukun maxkamadeed ciqaab ah oo kama danbays ah xabsi loo diro.
Waxa xilkii gudoomiyaha la wareegaya inta la gaadhayo shirweynaha, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga, iyadoo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiguna uu buuxinaayo kaalinta gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga

2. Isla xaaladaas gudoomiyaha xisbigu wuxuu xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga u magacaabayaa gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga, iyadoo golaha dhexe ku ansixin doono aqlabiyad buuxda, hadiise laga diido ansaxinta xubintaas, wuxuu magacaabayaa xubin kale ilaa laga helaayo xubin la ansixiyo
3. Hadii inta u dhaxeysa labada shirweyne ay lasoo deristo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga ama gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga xaaladaha ku xusan xubinta 1aad ee qodobkan; waxa la raacayaa habraaca ku tilmaaman isla xubinta 1aad iyo 2aad ee qodobkan

4. Hadii gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenada xisbiga iskumar ay la soo deristo xaaladaha ku tilmaaman xubinta koowaad ee qodobkan, guddiga fulintu wuxuu shir aan caadi ahayn iskugu yeedhayaa golaha dhexe si loo qabanqaabiyo shirweyne aan caadi ahayn, waxaana hogaanka xisbiga si ku meelgaadh ah u sii qabanaaya xoghayaha guud ee xisbiga.

QODOBKA 22AAD
GOLAHA DHEXE EE XISBIGA

1. Golaha dhexe ee xisbigu waa hay’ada hagaysa hawlaha xisbiga inta u dhaxeysa labada shirweyne; wuxuuna ka kooban yahay 133 (boqol soddon iyo saddex) xubnood oo ay ku jiraan:
a. Gudoomiyaha xisbiga, iyo qof kasta oo hore loogu doortay gudoomiyaha xisbiga
b. Labada gudoomiye ku xigeen ee xisbiga
c. Gudoomiyeyaasha guddiyadda xisbiga ee goboladda
d. Gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga, heer qaran
5. Gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga ee heer qaan
e. 10 xubnood oo gudoomiyuhu magacaabo marka la soo dhamaystiro tirada guud ee xubnaha golaha dhexe iyadoo loo eegayo kaalinta firfircoon ee ay ka qaadaan karaan hawlaha golaha dhexe ee xisbiga

2. Dhamaan xubnaha kale ee golaha dhexewaxa dooranaya shirweynaha

3. Golaha dhexe wuxuu lahaanayaa xubno kayd ah oo tiradoodu tahay 10 xubnood oo aan ku jirin tirada guud ee xubnaha golaha dhexe, kuwaasoo gudoomiyaha xisbigu u magacaabo hadii xubin golaha dhexe banaanaato.

QODOBKA 23AAD
MASUULIYADDA IYO AWOODAHA GOLAHA DHEXE

1. Marka laga reebo awoodaha kale ee dastuurkan ama go’aanada shirweynaha xisbigu siiyeen, golaha dhexe wuxuu leeyahay awoodaha soo socda:
a. Wuxuu ansixiyaa miisaaniyada sannadka ee xisbiga
b. Wuxuuu go’aan ka soo saaraa warbixinada ay sannadkiiba mar soo bandhigaan gudoomiyaha xisbiga, xoghayaha guud ee xisbiga, lacaghayaha iyo madaxda guddiyada kala duwan ee golaha dhexe ee xisbiga ee la xidhiidha waxqabadka xisbiga
c. Wuxuu fuliyaa go’aanada shirweynaha qaranka
d. Wuxuu ansixiyaa xeerarka xisbiga ee ay soo diyaariyeen guddiga fulinta ee lagu dhaqan gelinayo hawlaha xisbiga
e. Wuxuu wax ka bedeli karaa ama baabi’in karaa go’aanada guddiga fulinta
f. Wuxuu ansixiyaa xeer hoosaadyada golaha dhexe
g. Wuxuu awood u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista xoghayaha guud ee xisbiga
h. Wuxuu awood u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista lacaghayaha xisbiga
i. Wuxuu awood u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista madaxa guddiyada kala duwan ee golaha dhexe iyo xubnahooda
j. Magacaabista iyo xil ka qaadista 14 ka xubnood oo ka tirsan gudiga fulinta
k. Wuxuu xubnaha golaha dhexe ka doortaa musharixiinta doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada
l. Wuxuu xunaha xisbiga ka doortaa musharixiinta doorashada golayaasha baarlamaanka
m. Ansaxinta laamaha xisbiga
n. Wuxuu ku dhawaaqi karaa shirweyne xisbi oo aan caadi ahayn

2. Inta u dhaxeysa labada shirweyne xisbi ee heer qaran; baahi jirta oo lagama maarmaan ah awgeed, Golaha dhexe ee xisbigu wuxuu awood u leeyahay inuu wax-ka-bedel ku sameeyo dastuurkan si danta guud ee ururka/xisbiga waafaqsan Xaaladaha wax-ka-bedelka dastuurkan waxa lagu ansixinayaa 2/3 (saddex meelood oo laba) tirada guud ee Golaha dhexe

QODOBKA 24AAD
SHIR GUDOONKA GOLAHA DHEXE

1. Shir gudoonla golaha dhexe wuxuu ka kooban yahay:

a. Gudoomiyaha xisbiga,
b. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga
c. Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga
d. Xoghayaha guud ee xisbiga

2. Shir gudoonku wuxuu soo hor dhigaa golaha ajendaha; wuxuu qaybiyaa dooda; wuxuuna gudoonshaa go’aanada.

QODOBKA 25AAD
FADHIYADA GOLAHA DHEXE

1. Fadhiyada golaha dhexe waa in la qabtaa ugu yaraan sannadkiiba hal mar
2. Fadhiga golaha dhexe waxa iskugu yeedhi kara guddiga fulinta, waxaana qabanqaabiya xoghayaha guud ee xisbiga
3. Fadhiyada golaha dhexe waxa la qaban karaa marka la hel aqlabiyad buuxda “absolute majority” “kala badh in ka badan tirada guud ee xubnaha golaha”
4. Fadhiga u horeeya ee golaha waxaa la qabanayaa todobaad ka dib waqtiga uu dhamaado shirweynaha xisbiga , waxaana lagu ansixnaiyaa xeer-hoosaadka golaha dhexe
5. Isla fadhigaas waxa lagu dooranayaa:
a. Xoghayaha guud ee xisbiga
b. Lacaghayaha xisbiga.

QODOBKA 26AAD
LUMINTA XUBINIMADA GOLAHA DHEXE

1. Qofku wuxuu xubinimadiisa golaha dhexe ku lumin karaa hadii:
a. Uu geeriyoodo
b. Xanuun u suuragelin waayo gudashada xilkiisa
c. Istiqaalad uu bixiyo golahuna ka ogolaado
d. Uu xukun ciqaabeed oo kama danbays ahi ku dhaco

2. Xaaladahaasi markii ay timaado, shirgudoonku wuxuu xubnaha u horeeya ee liiska keydka ah u soo gudbinayaa golaha dhexe si loo ansixiyo.

QODOBKA 27AAD
GUDDIYADA XISBIGA

1. Golaha dhexe ee xisbigu wuxuu leeyahay guddiyo tiradoodu ka kooban tahay 4 (afar), oo kala aha:
a. Guddiga siyaasadda golaha dhexe
b. Guddiga abaabulka iyo warfaafinta golaha dhexe
c. Guddiga xidhiidhka laamaha xisbiga ee gobolada dalka
d. Guddiga xidhiidhka laamaha xisbiga ee dibedda

2. Guddi kasta wuxuu leeyahay madax
3. Madaxa guddigu hadii uu maqan yahay ama ay la soo deristo xaalad ka mid ah xaaladaha ku xusan Qodobka 26aad, waxaa kaalintiisa si ku meel gaadh ah u sii haynaya xubin ka mid ah guddiga uu madax ka yahay oo uu magacaabo gudoomiyaha xisbigu
4. Dhamaan hawlaha gudddiyada kala duwani waxay hoos imanayaan guddiga fulinta
5. Guddi kasta masuuliyadeeda iyo hawlaheeda waxa lagu tilmaami doonaa xeer hoosaadka golaha dhexe.

QODOBKA 28AAD
GUDDIGA FULINTA EE GOLAHA DHEXE

1. Guddiga fulintu waxay socodsiinyaa hawlaha joogtada ah ee xisbiga inta uu kala maqan yahay golaha dhexe, wuxuuna ka kooban yahay 25 xubnood oo kala ah:
a. Gudoomiyaha xisbiga
b. Gudoomiye ku xigeenka koowaad
c. Gudoomiye ku xigeenka labaad
d. Xoghayaha guud ee xisbiga
e. Lacaghayaha guud ee xisbiga
f. Madaxa guddiga Siyaasadda
g. Madaxa guddiga abaabulka iyo warfaafinta
h. Madaxa guddiga xidhiidhka laamaha xisbiga ee gobolada dalka
i. Madaxa guddiga xidhiidhka laamaha xisbiga ee dibedda
j. Madaxa garabka haweenka
k. Madaxa garabka dhalinyarada
l. Iyo 14 (Afar iyo Toban) xubnood oo laga soo doortay golaha dhexe

2. Tirada guddiga fulinta waxa ku biiraya markasta xubin kasta oo hore loogu doortay Gudoomiyaha xisbiga; isagoo ah xubin buuxda
3. Guddigu waa inuu kulmaa ugu yaraan hal mar todobaadkii
4. Kulamada guddiga fulinta waxaa gudoonsha gudoomiyaha xisbiga.

QODOBKA 29AAD
MASUULIYADDA IYO AWOODAHA GUDDIGA FULINTA

1. Marka laga reebo awoodaha dastuurkan, xeerarka iyo go’aanada golaha dhexe siinayaan guddiga fulinta, wuxuu guddigu leeyahay awoodaha soo socda:
a. Wuxuu soo diyaariyaa miisaaniyada xisbiga
b. Wuxuu meel mariyaa go’aanda shirweynaha qaranka
c. Wuxuu soo diyaariyaa xeerarka xisbiga
d. Wuxuu soo diyaariyaa xeer hoosaadyada golaha dhexe
e. Wuxuu soo saaraa go’aano lagu socodsiiyo hawlaha xisbiga
f. Wuxuu socodsiiyaa hawl maalmeedka golaha dhexe
g. Wuxuu iskugu yeedi karaa golaha dhexe shir aan caadi ahayn

2. Guddiga fulintu wuxuu baahi jirta awgeed si ku meelgaadh ah u soo saari karaa xeerar ama xeer- hoosaadyo, iyadoo laga ansixin doono golaha dhexe.

QODOBKA 30AAD
MASUULIYADA XOGHAYAHA GUUD

1. Marka laga reebo hawlaha kale ee dastuurkani u xilsaaray ama xeer-hoosaadka golaha dhexe, xoghayaha guud waxay hawshiisu tahay:
a. Kaydinta dhamaan qoraalada shirweynaha qaran, golaha dhexe iyo kuwa guddiga fulinta
b. Wuxuu diyaariyaa ajendaha fadhiyada golaha dhexe iyo kulamada guddiga fulinta
c. Wuxuu isku dubaridaa dhamaan go’aanada golaha dhexe iyo kuwa guddiga fulinta
d. Wuxuu isku dubaridaa xeerarka iyo xeer hoosaadyada golaha dhexe
e. Wuxuu diyaariyaa warixinada golaha dhexe iyo kuwa guddiga fulinta

2. Hadii uu maqan yahay xoghayaha guud ama ay la soo deristo xaalad ka mid ah xaaladaha ku xusan Qodobka 26aad, waxaa xilkiisa si ku meel gaadh ah u sii haynaya xubin ka tirsan guddiga fuinta oo uu magacaabo gudoomiyaha xisbiga.

QODOBKA 31AAD
MASUULIYADDA LACAGHAYAHA

1. Lacaghayaha xisbigu waa madaxa kaydinta dhaqaalaha iyo hantida ururka
2. Wuxuu masuul ka yahay dhamaan kharashyada baxa ee xisbiga, isagoo xisaab celintiisa u gudbinaya guddiga fulinta, warbixina siinaya golaha dhexe
3. Amarada kharash bixinta iyo qaab xisaabeedka waxaa lagu soo saarayaa xeer hoosaadka golaha dhexe
4. Hadii uu maqan yahay lacaghayuhu ama ay la soo deristo xaalad ka mid ah xaaladaha ku xusan Qodobka 26aad,, waxa xilkiisa si ku meel gaadh ah u sii haynaya xubin ka tirsan guddiga fulinta oo uu magacaabo gudoomiyaha xisbiga.

QODOBKA 32AAD
DOORASHADA GUUD EE QARANKA MARKA LOO EEGO DHISMAHA XISBIGA

1. Doorashooyinka guud ee qaranka xubnaha ku guulaystay ee ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga xilka xisbiga way sii haynayaan ilaa inta laga gaadhayo shirweyne qaran
2. Doorashooyinkaas, hadii tirada xubnaha xisbiga ee ku guulaystay ay saamayn xoog leh ku yeelato dhismaha golaha dhexe ee xisbiga ama hogaanka xisbiga, xaaladaas oo kale gudiga fulintu isagoo qiimaynaya baahida jirta wuxuu iskugu yeedhayaa golaha dhexe fadhi aan caadi ahayn si loo qabanqaabiyo shirweyne lagu soo dhamaystiro xubnahaas dhiman ama loo dhiso hogaanka xisbiga

QODOBKA 33AAD
DHISMAHA XISBIGA EE HEER GOBOL

1. Shirka xisbiga ee heer gobol waa hay’ada ugu sareysa ee gobolka ee dhisaysa guddiga xisbiga ee heer gobol oo ka kooban 40 xubnood oo ay ku jiraan Gudoomiyaha iyo laba gudoomiye xigeen
2. Shirka xisbiga ee heer gobol waa in la qabtaa labadii sanadood hal mar
3. Waxa la qaban karaa shir aan caadi ahayn markay sidaas go’aamiyaan guddiga gobolka
4. Ergooyinka ka qeybgalaya shirka waxaa laga soo dooranayaa laamaha gobolka
5. Tirada guud ee ergooyinka shirka waxaa go’aaminaya guddiga gobolka, iyagoo ku salaynaya hadba tirada ka diiwaan gashan xubnaha xisbiga
6. Tirada ergooyinka laamaha iyo tirada ergooyinka ee garabka haweenka iyo garabka dhalinyarada ee heer gobol uga qaybgelaysa shirka waxaa go’aaminaya guddiga gobolka
7. Ergooyinka soo socda si toos ah ayey uga qeybgalayaan:
a. Guddiga gobolka
b. Dhamaan xubnaha xisbiga ee ugu jira golayaasha deegaanka
8. Marka laga reebo tirada guddiga gobolka, ergooyinka kale waa inaysan ka yaraan tirada guud ee guddiga gobolka
9. Fadhigiisa ugu horeeya wuxuu iska dhexdooranayaa shirgudoonka shirka oo ka kooban: shirgudoonka shirka,laba gudoomiye-xigeen, iyo xoghayaha shirka.

QODOBKA 34AAD
MASUULIYADA IYO AWOODAHA SHIRKA XISBIGA EE HEER GOBOL

Marka laga reebo awoodaha kale ee dastuurka, xeerarka iyo go’aamada kale siinayaan,shirka xisbiga ee heer gobol wuxuu leeyahay masuuliyadan iyo awoodaha soo socda:
1. Wuxuu doortaa xubnaha guddiga gobolka ee xisbiga
2. Wuxuu doortaa gudoomiyaha guddiga gobolka iyo laba gudoomiye-ku-xigeeno oo kala ah koowaad iyo labaad. Waxaana loo raacayaa qaabka doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenada ee ku xusan Qodobka 18aad
3. Wuxuu meelmariyaa go’aanada ka soo baxa golayaasha qaranka, ka gobolka iyo kuwa guddiga fulinta
4. Wuxuu go’aamo ka soo saaraa warbixinada guddiga gobolka
5. Wuxuu dejiyaa siyaasada iyo qorshayaasha guud ee xisbiga ee gobolka.

QODOBKA 35AAD
GUDDIGA GOBOLKA EE XISBIGA

1. Guddiga gobolku wuxuu ka kooban yahay 40 xubnood
2. Gudiga gobolku waxay socodsiisaa hawlaha xisbiga ee gobolka inta u dhaxaysa labada shirweyne
3. Guddiga gobolku wuxuu shiraa sannadkiiba saddex jeer
4. Guddiga gobolku wuxuu lahaanayaa guddi fulineed oo ka kooban 17 xubnood
5. Shirkooda u horeeya guddiga gobolku wuxuu ku dooranayaa:
a. Xoghayaha xisbiga ee gobolka
b. Lacaghayaha gobolka.
Mid kasta xilkiisa waxa lagu tilmaamayaa xeer-hoosaadka xisbiga ee gobolka
6. Gudoomiyaha guddiga gobolka wuxuu leeyahay dhamaan awoodaha ku xusan Qodobka 19aad; marka laga reebo xubinta (e) ee isla qodobkaas, iyadoo awoodiisu ku eg tahay heer gobol
7. Shirarka guddiga gobolka waxa gudoosha gudoomiyaha guddiga gobolka; hadii uu maqan yahayna waxa gudoonsha gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ama ka labaad, hadii ay labada hore maqan yihiin.

QODODBKA 36AAD
MASUULIYADDA GUDDIGA GOBOLKA EE XISBIGA

Ka sokow awoodaha kale ee dastuurkan; xeerarka, iyo go’aanada kale ee xisbigu siin karaan, awoodaha guddiga gobolku waa sidan soo socda:

1. Wuxuu fuliyaa go’aamada gobolka; ka golaha dhexe ee xisbiga iyo kan guddiga fulinta golaha dhexe
2. Wuxuu u gudbiyaa guddiga fulinta golaha dhexe iyo golaha dhexe ee xisbiga warbixinada shirarka gobolka iyo warbixin kasta oo looga baahdo
3. Waxay dejiyaan xeer-hoosaadka iyo go’aanada ku wajahan gobolka
4. Waxay fuliyaan dhamaan hawlaha xisbiga ee gobolka
5. Wuxuu ku dhawaaqi karaa shir aan caadi ahayn oo xisbiga ah ee heer gobol

6. Wuxuu magacaabaa xilkana ka qaadi karaa:
a. Xoghayaha
b. Lacaghayaha
c. Madaxda kala duwan ee guddiga fulinta
d. Xubnaha kale ee guddiga fulinta oo ah 7 xubnood.

QODOBKA 37AAD
GUDDIGA FULINTA XISBIGA EE GOBOLKA

1. Guddiga fulinta xisbiga ee gobolku wuxuu ka kooban yahay 17 xubnood oo kala ah:

a. Gudoomiyaha guddiga gobolka
b. Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee guddiga gobolka
c. Gudoomiye-ku-xigeenka labaad ee gobolka
d. Xoghayaha gobolka
e. Lacaghayaha gobolka
f. Madaxa abaabulka iyo warfaafinta
g. Madaxa siyaasadda
h. Madaxa xidhiidhka laamaha xisbiga ee gobolka
i. Madaxa garabka haweenka ee gobolka
j. Madaxa garabka dhalinyarada ee gobolka
k. Iyo (7) todoba xubin oo ka tirsan guddiga gobolka

2. Shirarka guddiga fulinta ee gobolka waxa gudoonsha gudoomiyaha guddiga gobolka goblka, hadii uu maqan yahayna waxaa gudoonsha gudoomiye-ku-xigeenka kowaad, sidoo kalena gudoomiye-ku-xigeenka labaad, hadii labada horeba maqan yihiin

3. Hadii ay la soo gudboonaato gudoomiyaha ama ku-xigeenkiisa xaaladaha ku xusan Qodobka 21aad ee dastuurka, waxa la raacayaa isla qodobkaas habraaca ku tilmaaman.

QODOBKA 38AAD
HAWLAHA GUDDIGA FULINTA XISBIGA EE GOBOLKA

Marka laga reebo hawlaha kale ee ay siin karaan dastuurkan; xeerarka ama go’aanada xisbiga, guddiga fulinta ee gobolku wuxuu leeyahay hawlaha soo socda:

1. Wuxuu fuliyaa hawl maalmeedka guddiga gobolka
2. Wuxuu fuliyaa go’aanada guddiga gobolka
3. Wuxuu meel mariyaa go’aanada iyo xeerarka kale ee heer qaran
4. Wuxuu iskugu yeedhaa gudddiga gobolka shirarkooda caadiga ah ama kuwa aan caadiga ahayn
2. Guddiga fulintu waa inuu kulmaa todobaadkii ugu yaraan hal mar.

QODOBKA 39AAD
DHISMAHA XISBIGA EE HEER DEGMO

1. Shirka xisbiga ee heer degmo waxa lagu soo dhisaa guddiga xisbiga ee heer degmo oo ka kooban 20 xubnood oo ay ku jiraan gudoomiye iyo laba gudoomiye -ku-xigeen koowaad iyo labaad; iyadoo la raacayo sida uu tilmaamayo Qodobka 18aad
2. Shirka xisbiga ee heer degmo waxa la qabtaa sannadkiiba hal mar
3. Laan kasta oo degmada ka tirsan waxay xaq u leedahay inay ka soo qeybgasho shirkaas. Tirada ergooyinka uga qeybgelaya shirkaas waxa go’aaminaya guddiga degmada , waxayna tiradu ku xidhan tahay hadba inta xubnaha xisbiga ee ka diiwaangashan laanta
4. Shirka degmada waxa si toos ah uga soo qeybgalaya guddiga degmada ee xisbiga iyo xubnaha golayaasha deegaanka ugu jira xisbiga
5. Tirada ergooyinka ee garabka ahweenka iyo garabka dhalinyarada ee degmo uga qeybgelaya shirka waxa go’aaminaya guddiga degmada
6. Fadhigooda ugu horeeya wuxuu shirku iska dhex dooranayaa shirgudoonka shirka oo ka kooban shir-gudoomiyaha shirka iyo laba gudoomiye xigeen iyo xoghayaha shirka.

QODOBKA 40AAD
MASUULIYADDA IYO AWOODAHA SHIRKA XISBIGA EE DEGMADA

Marka laga reebo awoodaha dastuurka; xeerarka iyo go’aamo kale siin karaan, wuxuu shirka xisbiga ee degmadu leeyahay masuuliyadda iyo awoodaha soo socda:
1. Wuxuu meelmariyaa go’aanada ka soo baxa goleyaasha qaranka; ka gudiga gobolka ama kuwa fulinta
2. Wuxuu go’aamo ka soo saaraa warbixinada gudiga degmada
3. Wuxuu doortaa xubnaha guddiga degmada ee xisbiga
4. Wuxuu doortaa gudoomiyaha guddiga iyo labada gudoomiye-xigeen oo kala ah koowaad iyo labaad, iyadoo la raacayo qaabka ku tilmaaman Qodobka 18aad

QODOBKA 41AAD
MASUULIYADDA GUDDIGA DEGMADA EE XISBIGA

1. Guddiga degmada ee xisbigu waxay socodsiiyaan hawlaha xisbiga ee degmadda inta u dhaxaysa laba shir ee degmo
2. Guddiga degmadu wuxuu leeyahay guddi fulin oo ka kooban sagaal (9) xubnood
3. Shirkooda u horeeya gudiga degmadu wuxuu doortaa:
a. Xoghayaha xisbiga ee degmada
b. Lacaghayaha xisbiga ee degmada

4. Gudoomiyaha guddiga xisbiga ee degmadu wuxuu leeyahay awoodaha gudoomiyaha guddiga xisbiga ee gobolka; iyadoo awoodiisu ku eg tahay heer degmo
5. Gudiga fulinta ee degmadu wuxuu ka kooban yahay:
a. Gudoomiyaha iyo labada gudoomiye-xigeen
b. Xoghayaha
c. Lacaghaye
d. Madaxaabaabulka iyo warfaafinta
e. Madaxa garabka haweenka
f. Madaxa garabka dhalinyarada
g. Madaxa xidhiidhka laamaha degmada

6. Shirka guddiga degmada iyo kuwa guddiga fulinta waxa gudoonsha gudoomiyaha gudiga degmada; hadii uu maqan yahana gudoomiye-ku-xigeenka koowaad; hadii ay labaduba maqan yihiin gud-ku-xigeenka labaad
7. Hadii ay la soo gudboonaato gudoomiyaha ama ku xigeenadiisa xaaladaha ku xusan Qodobka 21aad ee dastuurka; waxa la raacayaa isla qodobkaas habraaca ku tilmaaman
8. Guddiga degmadu waxay awood u leeyihiin dhamaan awoodaha gudiga gobolka, ee ku xusan Qodobka 36aad marka loo eego awoodaha heer degmo; wuxuuna shiraa bil kasta
9. Guddiga fulinta ee degmadu waxay leeyihiin dhamaan awoodaha guddiga fulinta ee gobolka ee ku xusan Qodobka 38aad marka loo eego awoodaha heer degmo
10. Guddiga degmada ee xisbigu wuxuu doortaa musharixiinta xisbiga uga qeybgelaysa doorashada golaha deegaanka.

QODOBKA 42AAD
LAAMAHA XISBIGA

1. Laantu waxay saldhig u tahay asaaska xisbiga; waana halka uu kasoo unkamo xubnaha xisbigu
2. Xubin kasta oo xisbiga ka mid ahi waa inay ka diiwaan gashan tahay laan
3. Laan kasta waxa laga diiwaangelinayaa degmada ay ka tirsan tahay
4. Laan kasta waxay leedahay guddi laga soo doortay shirka xubnaha xisbiga ee laanta oo la qabto sannadkiiba hal mar, wuxuuna shirka xisbiga ee laantu leeyahay dhamaan awoodaha shirka xisbiga ee degmada ee ku xusan Qodobka 40aad
5. Guddiga laantu waxuu ka kooban yahay 15 xubnood oo ay ku jiraan Gudoomiyaha iyo laba gudoomiye xigeen 7 (todoba) ka mid ah guddigu tahay guddiga fulinta oo kala ah:
a. Gudoomiye
b. Laba gudoomiye-xigeeno, kala ah koowaad iyo labaad
c. Xoghaye
d. Lacaghaye
e. Madaxa abaabulka iyo warfaafinta
f. Hal xubin oo ka tirsan guddiga laanta

6. Kulanada xisbiga ee laanta waxaa looga doodaa waxqabadka xisbiga ee laanta
7. Guddiga xisbiga ee laantu waxuu socodsiiyaa hawlaha xisbiga ee laanta; wuxuuna masuul ka yahay dhamaan awaamiirta iyo go’aanada kaga yimaada degmo ilaa gobol
8. Hawlaha guddiga fulinta ee laantu waxay leedahay dhamaan hawlaha guddiga fulinta ee degmada; wuxuuna kulmaa todobaadkiiba ugu yaraan hal mar
9. Guddiga laantu wuxuu leeyahay dhamaan awoodaha guddiga xisbiga ee degmada ee ku xusan Qodobka 41aad; wuxuuna shiraa bil kasta
10. Gudoomiyaha guddiga xisbiga ee laantu wuxuu leeyahay awoodaha gudoomiyaha guddiga xisbiga ee degmada.

QODOBKA 43AAD
LAAMAHA XISBIGA EE DIBEDDA

1. Laamaha xisbiga ee dibeddu waxay lahaan doonaan qaab-dhismeed u gaar ah oo ay ku soo saaraan xeer-hoosaadka
2. Qaab-dhismeedkooda waa in lagu tilmaamaa xarun kulmisa laamaha dibedda.

QAYBTA SADDEXAAD

QODOBKA 44AAD
QODOBO KALA DUWAN ANSAXSANAANTA FADHIYADA IYO GO’AANADA XISBIGA

1. Fadhiyda iyo kulanada xisbiga waxa la qaban karaa marka ay joogaan kala badh in ka badan tirada xubnaha golaha ama guddiga
2. Go’aanada golaha ama guddigu waxay ku ansaxmaan cod hal dheeri ah xubnaha jooga (aqlabiyad fudud), marka laga reebo xaaladaha dastuurkan ama xeer-hoosaadyada xisbigu ay jideeyeen aqlabiyad ka duwan.

QODOBKA 45AAD
CODBIXINTA XUBNAHA

1. Fadhiyada ama kulanada xisbiga, xubnaha xisbigu waxay codkooda ku dhiibayanayaan si madax banana; iyadoo xubin kasta leedahay hal cod
2. Codbixinta fadhiyada ama kulamada xisbiga waa gacantaag; cod bixin qarsoodi ah waa la samayn karaa hadii uu sidaa jideynayo xeer-hoosaad
3. Gudoonshaha fadhiga ama kulanku wuxuu codkiisa dhiibanayaa marka u danbeysa ee codbixinta xubnaha
4. Hadii ay sinmaan codadka xubnahu; gudoonsha fadhiga ama kulanku wuxuu lahaanayaa cod-dheeri.

QODOBKA 46AAD
XALLINTA XURGUFAHA

1. Xubin kasta o xisbiga ka mid ahi waxay xaq u leedahay inay ku doodo in dastuurkii; xeerarkii, go’aanadii ama xeer-hoosaadyadii xisbiga la jebiyey
2. Hadii tirada xubnaha dacwoonaysaa gaadhsiisan yihiin 20 xubnood; gudoomiyaha xisbigu waa inuu qaderiyaa dacwadaas una magacaa guddi baadhis ah; iyadoo gudigaas la siinayo awoodaha iyo habkay ku shaqeyn lahaayeen
3. Guddiga la igmaday ee ku tilmaaman xubinta hore, go’aanka ay soo saaraan wuxuu noqonayaa kama danbeys.


QODOBKA 47AAD
ANSHAX MARINTA

1. Marka laga reebo falalka kale ee danbi ciqaabeed dhalin kara, xubin kasta oo xisbiga ahi waxa la saari karaa talaabo anshax marin; hadii uu ku xad gudbo dastuurka xisbiga; xeerarka; go’aanada ama xeer-hoosyada xisbiga

2. Waxa awood u leh qaadida gefka ee xubinta, guddiga fulinta ee heer xisbi ee xubintu ka hawlgasho
3. Xubinta waa in qoraal lagu siiyaa dacwada gefka loo haysto ugu yaraan 10 cisho maalmood ka hor, maalinta dacwad qaadista

4. Ganaaxu wuxuu ahaan karaa:
a. Digniin canaan qoraal ah
b. Ganaax lacageed oo aan ka badnayn SL.SH. saddex boqol oo kun
c. In laga soo celiyo shahaado; bilad ama qiimayn, waxa awood u leh cida bixisay ee ah golahaas ama guddigaas.

QODOBKA 48AAD
ABAAL MARINTA XISBIGA

1. Xisbigu wuxuu lahaanayaa abaalmarino kala duwan oo kala ah:
a. Bilada xisbiga heer qaran
b. Shahaado sharaf
c. Iyo amaan

2. Abaal marintaas xisbigu waxay ahaan kartaa mid heer qaran ah; heer gobol; degmo iyo Laan
3. Billada waxa lagu bixin karaa keliya heer qaran
4. Abaal marinta xisbigu heer kasta oo ay tahay waxa la siin karaa xubin kasta oo ka tirsan xisbiga oo mutaysata hawkarnimo dheeraad ah ama waxqabad muuqda oo xisbiga u soo hoysay guul

5. Bixinta abaalmarinahaas, waxa awood u leh:
a. Markay heer qaran tahay gudoomiyaha xisbiga, ka dib markay sidaas go’aamiyaan golaha dhexe ee xisbigu
b. Markay tahay heer gobol; heer degmo iyo heer laan, gudoomiyaha guddiga ka dib markay sidaas go’aamiyaan guddiga gobolka, degmada ama laantu.

QODOBKA 49AAD
WAX-KA-BEDELKA DASTUURKA

1. Dastuurka waxa wax ka bedeli kara shirweyne qaran
2. Waxa soo jeedin kara wax-ka-bedelka dastuurka:
a. Hadii ay soo jeediyaan guddiyadda goboladdu tiro saddex gudi gobol
b. Hadii ay soo jeediyaan 1/4 (afar meelood-meel) tirada xubnaha golaha dhexe
c. Wax-ka-bedelka dastuurka waxa lagu ansixin karaa aqlabiyad ah 2/3 (saddex meelood-laba meelood).

QODOBKA 50AAD
MAQAAMKA DASTUURKA XISBIGA

1. Dastuurka xisbiga ayaa ah ka ugu sareeya dhamaan xeerarka iyo go’aanada xisbiga
2. Xeer kasta; go’aan kasta iyo xeer- hoosaadka kasta ee xisbiga oo ka soo horjeeda dastuurkan xisbiga waa waxba kama jiraan.

QODOBKA 51AAD
ANSIXINTA IYO DHAQAN-GALKA DASTUURKAN

1. Dastuurkan waxa lagu ansixin karaa 2/3 , waxna looga bedeli karaa (saddex meelood-laba meel) tirada guud ee shirweynaha
2. Wuxuu dhaqan gelayaa dastuurkani isla marka shirweynuhu ansixiyo

QEYBTA AFARAAD

QODOBADA WAQTIGA KALA-GUURKA

QODOBKA I “XILLIGA KALA-GUURKA”

1. Qodobadan kala guurku waxay shaqeynayaan xilliga uu ururka Kulmiye higsanayo xisbinimada, ee uu yahay ururka oo ah inta ka horeysa wakhtiga doorashada golayaasha deegaanka ee dawladaha hoose

QODOBKA II “KU DHAQANKA DASTUURKAN”

1. Ururka kulmiye marka uu urur yahay iyo markuu xisbi yahayba wuxuu ku dhaqmayaa dastuurkan.

QODOBKA III “MIDOWGA URURADA”

1. Ururku wuxuu la midoobi karaa ururo kale oo siyaasi ah oo ay isku ujeedo yihiin; hadii uu sidaa banaynayo xeerka axsaabtu waxaana awood u leh Golaha dhexe
2. Xaaladaas oo kale, golaha dhexe wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo shirweyne xisbi oo aan caadi ahayn hadii ay lagama maarmaan tahay.

QODOBKA IV “ERGOOYINKA SHRWEYNAHA”

1. Marka la joogo waqtiga kala-guurka, tiradad ergooyinka shrweynaha ee ku xusan Qodobka 15aad xubintiisa (4), waxaa go’aaminaya guddiga fulinta golaha dhexe ee ku meelgaadhka ah, iyadoo ergooyinku ku imanayaan saamiyo ku salaysan gobolo.

QODOBKA V “GOLAHA DHEXE”

1. Marka la joogo wakhtiga kalaguurka, doorashada xubnaha golaha dhexe ee ku xusan Qodobka 22 xubintiisa 2aad, shirweynuhu wuxuu ku ansaxmayaa xubnaha golaha dhexe liis saamiyo ku dhisan gobolo, oo ay soo jeedinayaan shirgudoonka shirweynuhu.

QODOBKA VI “GUDDIGA FULINTA EE KU-MEEL-GAADHKA AH”

1. Dhamaan gobolada dalka waxaa ururku kasii dhisayaa guddi fulin oo ku meelgaadh ah, oo wada hawlaha xisbiga ee gobolka
2. Guddiga fulinta ee ku meel gaadhka ahi, wuxuu lahaanayaa dhamaan awoodaha guddiga gobolka ilaa inta xisbigu iska soo dhisaayo heer laan iyo heer degmo.


SAXEEXA SHIRGUDOONKA SHIRWEYNAHA

1.GUDOOMIYAHA SHIRWEYNAHA

2.GUDOOMIYE-XIGEENKA KOOWAAD

3.GUDOOMIYE XIGEENKA LABAAD

4.XOGHAYAHA SHIRWEYNAHA

 DASTUURKA XISBIGA KULMIYE  Qoraastii iyo Habaynta Garyaqaan Muuse Yuusuf
 

Saturday, 21 September 2013

Friday, 19 July 2013

Qormo Tooshka Ku Ifinaysa Sharciyadda Golaha Tashiga/Toosinta iyo Tafsiirka uu Distoorku Ka Bixinayo Waxa Wax Ka Qorey: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed

Nin Qab-weyn iyo Nin Qoonsimaad Badan-ba Qaanuunkaa Ka Sarreeya

Qormo Tooshka Ku Ifinaysa Sharciyadda Golaha Tashiga/Toosinta iyo Tafsiirka uu Distoorku Ka Bixinayo

Waxa Wax Ka Qorey: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed



Waxa Intan Ramadaanta Bulshada Somaliland ku batay Hadal haynta Kelmada Gole Taas oo Ka dhalatay Unkanka Golaha Madaxa Banaan Ee Wada Tashiga iyo Toosinta Somaliland, oo lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa Bilawgii bishan barakaysan ee Ramadaan.
Waxaana Hadal haynta Kel madani sii xoogaysatay markii xubno ka tirsan Goleyaasha Fulinta (Xukuumadda dhexe) iyo Sharci dejinta (Wakiillada/Guurtida) ay soo bandhigeen aragtiyo ka dhan ah badheedhaha Golahan Cusub ee ku wajahan Aasaaska Unugan iyo In Dastuurku Xaq u siinayo Ka Tashida Rabitaankooda.

Qaddiyadan, Maxaa Sharciyadda Dalka iyo Qaanuunka la Xidhiidh-dhaa ka qabaan?

Falanqaynta sharci ee qaddiyadan oo Kale hore ayaa Bulshadeenu Ugu Maahmaahday, u fiirso bal Murtidani Macnaha ay inna farayso iyo Kalsoonnida buuxda ee ay Mudduciga ama Mud-daacalayga siinayo; "Waxa la yidhi Haddii Go'aaga Lagugu Qabsado, waa La Gar-naqsadaa", haddii'se aad is barrixi weydo amaba gar-bixi weydo waxa aad ka dhigan tahay Sida Maah-maahdii ahayd "Nin Hullaab Xumi Inuu wax qarsanayo ayaa la mooddaa", sidaas markaan leeyahay Halkan Go'aan ku riddi mayno, waxase aynu ka afeefanaynaa inaan Falanqayntannu kama turjumayn Xukun (Judgement) iyo Xaglin (Bias) ka dhan ah labada dhinac, keliya'se aynu ku dabbaqayno shuruucdeena inta ku dhereran oo keliya.

Hor iyo Horraanba aynu is weydiinno, Tafsiir noocee ah ayaa Qaamuuska (Dictionary) Af-soomaaliggu ka bixinayaa Magaca [GOLE],  Illaa Xadkee'se ayaa Sharcigu Ogol yahay In lala baxo ama Cidi ku Magacawnaato?.

Ereyga Gole ama Goleyaal, waa Magac dadku ka siman yihiin la bixistiisa (Lab iyo Dhedigba waa u bannaan yahay).
  1. Meel dad si joogto ah isugu yimaaddaan oo ay dana hooda ugaga wada hadlaan.
  2. Goob, fagaare.
  3. Mudanayaal si dastuuri ah dad u soo doortay. (Tusaale ahaan Golaha Baarlamaanka).
Hadii Qaamuuskii Somaligu Sidaas Ku Fasiray Macnaha Erayga Gole oo ah Mid Aynu Isticmaalaynay Ka hor Nidaamka Dawladnimo, Sida ka Muuqata Tafsiirkiisa koowaad iyo labaad ee Qaamuskani   Ku Sharraxay waxa uu noqonayaa mid Micnihiisu ka fog yahay kana  qoto dheer yahay  Nidaamka Maamulka Dawladeed Halka uu Kaalinta 3aad uu Ka Soo Galiyay Nidaamka Maamulka Dawladnimo.
Erey-bixinta Sharci ee Magaca GOLE

Dastuurka ayaa u sarreeya Qaranka Somaliland waxa uu dhigayaa in Xeer kasta ama aragti wal oo   ka hor imanayaa [Dastuurku] uu yahay waxba kama jiraan, Dhammaan xeerarka dalkuna waxay ku ansaxmayaan waafaqista dastuurka.  Dastuurka Somaliland magaca Gole ama Golayaal uma gaar yeelayo Labada Aqal Baarlamaan iyo Waaxda Fulinta  oo keliya, Daliil cad waxa u ah oo Dastuurkuna ogol yahay in  Iyagana uu magacan  u yaqaan  Gole-yaal kale sida Gole  Gobol Iyo Gole Degmo, Akhri oo dhuux nuxurka Qoddobka 111aad ee Distoorka Qaranka   oo ka hadlaya Goleyaasha Gobollada Iyo Gola Deegaan".
Gees kale haddii aynu ka Milicsano Macnihiisa Sharci, ma jiro Qoddob  Dastuuri ah oo mamnuucaya in Lala Bixi karo Gole, Halka Kuwa Dastuuriga ah Dastuurka Iyo Xeerarka Ka dheeganiba Ay Ugu Yeedheen Golayaasha Sharciga ah. Tusaale ahaan Markaad eegtid Xeer No:14 Eray-bixintiisa Waxa uu Si Waadax ah u Tilmaamayaa Magaca Golayaasha Qaranka Waxa uu u qoran yahay sidan:-
Golayaasha sharciga ah”: waxa loola jeedaa Golayaasha Dastuuriga ah ee JSL oo kala ah :- Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Iyo Golaha Deegaanka.
Waxa Kale oo Iyaduna Xeerkani Xeer LR 14/ 2000/2011 Inay Jiraan Goleyaal aan ahayn kuwa Dawliga ah.
 Saddexda Xusbi Iyo Urur Siyaasadeedyadii ku tartamaayay Doorashooyinkii Deeganka Waxa uu Xeerkani Ku Waajibiyay Inay Yeeshan Gole Dhexe Iyo Gole Fulineed, Sida Ku Cad Qodobka Shanaad 5aad ee Xeerkan Xeer LR 14/ 2000/2011.
Waxa Kale oo Jira Hay'ado leh Magacan Gole oo aan dawli ahayn Sida Ururada Bulshada Tusale ahaan Dalada Ururada Dhalinyarada somaliland ee Sonyo Golaha Ugu Sareeya Waxa La yidhaahda Golaha Sare ee Dalada.
Waxaan filayaa Markaynu eegno Daliilyadan Sharci In aanay Dood iyo Muran Midna aanu ku jirin in magacan Gole Aanu ahayn mid u sugnaaday Labixistiisu Golayaasha Qaranka ee Dastuuriga ah, oo ay jaban tahay Dooda ay Xubno ka mid ah Golayaasha Qaranku Ku Durayaan La Bixista Mgacani, Halkooduna aanu Ku aroorayo Muran Siyaasi ah inay ku Weeraraan Golahan Cusub oo Noqday Mid Ku soo beegmay xili ay Mudo Dhaaf iyo Korodhsiimo Badan ku Fadhiyaan Golayaasha Baarlamaanka Somaliland, iyo Gudoomiyaha Wakiilada oo ku sugan Mugdi Sharci oo ka taagan Isku haynta Labada Xil ee Shirgudoonka iyo Gudoomiya Xisbiga Wadani, Kaas oo aan ku jirin Golahan Cusub oo uu Xubin Ka yahay Dhigiisa Xusbiga Ucid oo Ay Wadaagan Magaca Xisbiyada Mucaridka ah ee Somaliland.
Ugu Danbayn Waxaan Bulshada somaliland u Cadaynayaa In uu Sharci Yahay Sharci Golahan Cusub Iyo Cidii Kale ee la Baxda Magacan Gole, Markaynu u eegno Xeerarka Lagaga dhaqmo Dalkeena Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Qalinka:-  Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed
Xubin Ka Tirsan Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA
 garyaqaan2007@gmail.com

Hargeysa, Somaliland