Tuesday, 6 August 2013
Friday, 19 July 2013
Qormo Tooshka Ku Ifinaysa Sharciyadda Golaha Tashiga/Toosinta iyo Tafsiirka uu Distoorku Ka Bixinayo Waxa Wax Ka Qorey: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed
Nin Qab-weyn iyo Nin Qoonsimaad Badan-ba Qaanuunkaa Ka Sarreeya
Qormo Tooshka Ku Ifinaysa
Sharciyadda Golaha Tashiga/Toosinta iyo Tafsiirka uu Distoorku Ka Bixinayo
Waxa Wax Ka Qorey: Garyaqaan Muuse Yuusuf
Maxamed
Waxaana
Hadal haynta Kel madani sii xoogaysatay
markii xubno ka tirsan Goleyaasha Fulinta (Xukuumadda dhexe) iyo Sharci dejinta
(Wakiillada/Guurtida) ay soo bandhigeen aragtiyo ka dhan ah badheedhaha Golahan
Cusub ee ku wajahan Aasaaska Unugan iyo In Dastuurku Xaq u siinayo Ka Tashida
Rabitaankooda.
Qaddiyadan, Maxaa Sharciyadda Dalka
iyo Qaanuunka la Xidhiidh-dhaa ka qabaan?
Falanqaynta
sharci ee qaddiyadan oo Kale hore ayaa Bulshadeenu Ugu Maahmaahday, u fiirso
bal Murtidani Macnaha ay inna farayso iyo Kalsoonnida buuxda ee ay Mudduciga
ama Mud-daacalayga siinayo; "Waxa la yidhi Haddii Go'aaga Lagugu Qabsado,
waa La Gar-naqsadaa", haddii'se aad is barrixi weydo amaba gar-bixi weydo
waxa aad ka dhigan tahay Sida Maah-maahdii ahayd "Nin Hullaab Xumi Inuu
wax qarsanayo ayaa la mooddaa", sidaas markaan leeyahay Halkan Go'aan ku
riddi mayno, waxase aynu ka afeefanaynaa inaan Falanqayntannu kama turjumayn
Xukun (Judgement) iyo Xaglin (Bias) ka dhan ah labada dhinac, keliya'se aynu ku
dabbaqayno shuruucdeena inta ku dhereran oo keliya.
Hor
iyo Horraanba aynu is weydiinno, Tafsiir noocee ah ayaa Qaamuuska (Dictionary)
Af-soomaaliggu ka bixinayaa Magaca [GOLE],
Illaa Xadkee'se ayaa Sharcigu Ogol yahay In lala baxo ama Cidi ku
Magacawnaato?.
Ereyga
Gole ama Goleyaal, waa Magac dadku ka siman yihiin la bixistiisa (Lab iyo
Dhedigba waa u bannaan yahay).
- Meel dad si joogto
ah isugu yimaaddaan oo ay dana hooda ugaga wada hadlaan.
- Goob, fagaare.
- Mudanayaal si
dastuuri ah dad u soo doortay. (Tusaale ahaan Golaha Baarlamaanka).
Hadii
Qaamuuskii Somaligu Sidaas Ku Fasiray Macnaha Erayga Gole oo ah Mid Aynu
Isticmaalaynay Ka hor Nidaamka Dawladnimo, Sida ka Muuqata Tafsiirkiisa koowaad
iyo labaad ee Qaamuskani Ku Sharraxay waxa uu noqonayaa mid Micnihiisu
ka fog yahay kana qoto dheer yahay Nidaamka Maamulka Dawladeed Halka uu Kaalinta
3aad uu Ka Soo Galiyay Nidaamka Maamulka Dawladnimo.
Erey-bixinta Sharci ee Magaca GOLE
Dastuurka
ayaa u sarreeya Qaranka Somaliland waxa uu dhigayaa in Xeer kasta ama aragti
wal oo ka hor imanayaa [Dastuurku] uu yahay waxba kama jiraan, Dhammaan xeerarka dalkuna waxay ku
ansaxmayaan waafaqista dastuurka. Dastuurka Somaliland magaca Gole ama Golayaal
uma gaar yeelayo Labada Aqal Baarlamaan iyo Waaxda Fulinta oo keliya, Daliil cad waxa u ah oo Dastuurkuna
ogol yahay in Iyagana uu magacan u yaqaan
Gole-yaal kale sida Gole Gobol
Iyo Gole Degmo, Akhri oo dhuux nuxurka Qoddobka 111aad ee Distoorka Qaranka oo ka
hadlaya Goleyaasha Gobollada Iyo Gola Deegaan".
Gees
kale haddii aynu ka Milicsano Macnihiisa Sharci, ma jiro Qoddob Dastuuri ah oo mamnuucaya in Lala Bixi karo
Gole, Halka Kuwa Dastuuriga ah Dastuurka Iyo Xeerarka Ka dheeganiba Ay Ugu
Yeedheen Golayaasha Sharciga ah. Tusaale ahaan Markaad eegtid Xeer No:14
Eray-bixintiisa Waxa uu Si Waadax ah u Tilmaamayaa Magaca Golayaasha Qaranka
Waxa uu u qoran yahay sidan:-
Golayaasha
sharciga ah”: waxa loola jeedaa Golayaasha Dastuuriga ah ee JSL oo kala ah :-
Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Iyo Golaha Deegaanka.
Waxa
Kale oo Iyaduna Xeerkani Xeer LR 14/ 2000/2011 Inay Jiraan Goleyaal aan ahayn
kuwa Dawliga ah.
Saddexda Xusbi Iyo Urur Siyaasadeedyadii ku
tartamaayay Doorashooyinkii Deeganka Waxa uu Xeerkani Ku Waajibiyay Inay
Yeeshan Gole Dhexe Iyo Gole Fulineed, Sida Ku Cad Qodobka Shanaad 5aad ee
Xeerkan Xeer LR 14/ 2000/2011.
Waxa
Kale oo Jira Hay'ado leh Magacan Gole oo aan dawli ahayn Sida Ururada Bulshada
Tusale ahaan Dalada Ururada Dhalinyarada somaliland ee Sonyo Golaha Ugu Sareeya
Waxa La yidhaahda Golaha Sare ee Dalada.
Waxaan
filayaa Markaynu eegno Daliilyadan Sharci In aanay Dood iyo Muran Midna aanu ku
jirin in magacan Gole Aanu ahayn mid u sugnaaday Labixistiisu Golayaasha
Qaranka ee Dastuuriga ah, oo ay jaban tahay Dooda ay Xubno ka mid ah Golayaasha
Qaranku Ku Durayaan La Bixista Mgacani, Halkooduna aanu Ku aroorayo Muran
Siyaasi ah inay ku Weeraraan Golahan Cusub oo Noqday Mid Ku soo beegmay xili ay
Mudo Dhaaf iyo Korodhsiimo Badan ku Fadhiyaan Golayaasha Baarlamaanka
Somaliland, iyo Gudoomiyaha Wakiilada oo ku sugan Mugdi Sharci oo ka taagan
Isku haynta Labada Xil ee Shirgudoonka iyo Gudoomiya Xisbiga Wadani, Kaas oo
aan ku jirin Golahan Cusub oo uu Xubin Ka yahay Dhigiisa Xusbiga Ucid oo Ay
Wadaagan Magaca Xisbiyada Mucaridka ah ee Somaliland.
Ugu
Danbayn Waxaan Bulshada somaliland u Cadaynayaa In uu Sharci Yahay Sharci
Golahan Cusub Iyo Cidii Kale ee la Baxda Magacan Gole, Markaynu u eegno
Xeerarka Lagaga dhaqmo Dalkeena Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Qalinka:- Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed
Xubin Ka Tirsan Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA
garyaqaan2007@gmail.com
Hargeysa, Somaliland
Subscribe to:
Posts (Atom)